Gaari Xamuul ah oo Ciidamada Shisheeye Looga Gubay Shabeellaha Dhexe.
Wararka naga soo dhaagaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in halkaas lagu gubay Gaari Xamuul ah oo u rarnaa Ciidamada Shisheeye ee gobolkaas duulaanka ku jooga.
Gaarigan Xamuulka ah ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku beegsadeen deegaan lagu magacaabo Qurac Madoobe oo u dhexeeya Cali Fooldheere iyo Mahadaay, waxaana lahaa Ciidamada Burundi.
Gebi ahaanba Gaariga ayaa bas beeley, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Maalintii shalay ayaa ahayd markii ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay deegaanka Cali Fooldheere ku weerareen ciidamada Burundi, waxaana ay ka dileen 6 Askari.