General Gabre oo Muujiyay In DF-ku Tahay Shaqaale Ay Itoobiya Leedahay.

General Gabre oo kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo ururka Igada ayaa sheegay inuu si diiran usoo dhaweynayo tallaabadii ay DF ku qabatay nin Soomaali ah oo ay Xabashida ugu eedeysnaa inuu qeyb ka yahay ururka qowmiga ah ee ONLF.

Warkan oo uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku sheegay inuu ugu hambalyeynayo dowladda Itoobiya tallaabada ay ku heshay C/ Xakiin Sheekh Muuse, wuxuuna isagu ka Gabre ahaan sheegay inuu muddo ka badan hal bil ka shaqeynayay sidii ninkaas lagu qaban lahaa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dowladda Federalka ah ay usoo dhiibtay Itoobiya waxa uu ugu yeeray ninka argagixisada ah. Wuxuu intaa ku daray inuu uga mahad celinayo shaqada ay qabteen dad uu magacyadooda xusay oo kala ah: Farmaajo, Kheyrre, Sambaloolshe oo ah taliyaha nabad sugidda iyo Mustaf Dhuxulow oo uu ku tilmaamay nin kaalin mug leh ka qaatay arrintan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu si gaar ah ugu mahad celinayo Axmad Madoobe oo uu ku tilmaamay saaxiibkiisa qaaliga ah isagoo sheegay iney hadda ku wada sugan yihiin labadooda magaalada Kismaayo.

Gabra ayaa ugu dambeyntii sheegay in dadka ay Itoobiya dooneyso aaney marnaba nabad ku ladi doonin, gabbaadna ka heli karin dhulka ay ka taliyaan maamulada Soomaaliya ka jira marka laga reebo wilaayaadka islaamiga ah, tanina waxay muujineysa iney bah dil iyo ceeb ku tahay DF oo Itoobiya u gacan galisay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo uu dhowr bilood ka hor General Gabre bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in ay Soomaaliya ka hir galiyeen dowlado yar-yar oo u tagaan ka shaqeynta danaha Itoobiya.

Dowladaha caalamka waxaa ka mamnuuc ah iney dhiibaan qof magan galyo usoo doontay. sidaan ognahay waxaa Ruushka u goostay rag badana oo sirdoonka Mareykanka ka tirsanaa oo uu Snowden kamid yahay, waxaana ay diideen iney dib ugu celiyaan halkii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale markii uu Turkigu ka badbaaday afgambiga laguna eedeeyay wadaad dalka u dhashay oo ku sugan Mareykanka, ayaa waxay dowladda Turkiga dalbatay in loo soo gacan galiyo ninkaas, laakin Mareykanku wuu diiday wuxuuna sheegay iney sharaf darro ku tahay.

Haddaba wuxuu Mareykanku diiday inuu wareejiyo nin Turki ah oo aaney dhalasho wadaagin, halka DF ay dhiibtay nin Soomaali ah oo waliba dalkiisii hooyo ku sugan.

Si kastaba ha ahaato’e, mala dhihi karayaa waxay Itoobiya Soomaaliya ka sameysatay ciidan u qabanaya shaqo aysan u qaban karin askarteeda kuwaasoo ay ku ugaarato hadba ciddii ay doonto.

 

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.