Golaha Amaanka oo Cambaarayay Tijaabadii Kuuriyada Wuqooyi ay ku Riday Gantaal Cusub.

Golaha Amaanka waxa loogu yeero ayaa saaka oo Arbaco ah soo saaray bayaan ay ku cambaaraynayaan tijaabadii dhawaan Kuuriyada Wuqooyi ay ku riday gantaal cusub kaas oo ay ku tijaabisay badda Jabaan.

Goluhu wuxuu ka codsaday dowladda Kuuriyada Wuqooyi iney laaazimto oo aysan dhinac marin qaraaraadka iyo xeerarka u yaala Qaramada Midoobay oo ay kamid tahay inaysan dowladuhu yeelan Karin hubka wax gumaada ee Nuclearka.

Golaha Amaanka wuxuu ka codsaday dowladaha xubinta ka ah ururka iney tallaabooyinka u degsan golaha ay  ka qaadaa dowladda Kuuriyada Wuqooyi, taas oo ah in lagu sii adkeeyo go’doonka saaran dowladan.

Dowladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa heysta hubka Nuclearka waxaana mararka qaar ay sameysaa tijaabooyin ay ku rideyso sawaariikh rida dheer, waana mida cabsi gelisay dowladda Maraykanka iyo xulafadeeda oo arka ineysan dowladaha kale yeelan Karin hubka Nuclearka.

Donald Trump ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay tijaabo ay sameysay dowladda Kuuriyada Wuqooyi wuxuu sheegay in khiyaaraadka ay ku jiraan midka milliteri uu ka furanyahay u jawaabidda dowladda Kuuriyda Wuqooyi, waxaana xilligaas caalamka laga cabsi qabay inuu dhaco dagaal la isku adeegsado hubka wax gumaada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.