Hellery Clinton oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Haweeneyda lagu magacaabo Helleyr Clinton oo u tartameysay xilka madaxtinimada dalka Maraykanka sanadkii 2016 islamarkaana ku guul dareystay ayaa weerar Afka ah ku qaaday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Clinton oo qortay buug ay ciwaan uga dhigtay “What Happen?” oo ah Maxaa dhacay? Soona bixin doono bisha Septembar balse qeybo kamid ah ay baahiyeen tvyada Maraykanka ayaa Donald Trump ku tilmaamay nin qurun ah.

Waxay sheegtay inuu yahay qof aan aqoon Ixtiraamka dumarka, kuna faana ciyaal suuqnimada, waxaana ay sheegtay in inbadn ay aad uga cabsaneysay markii ay kawada qeyb galayeen dooda wadajirk ah ee loo qabto Musharixiinta maalmo kahor inta aysan doorashu dhicin.

Helerry Clinton waxay guul daradeeda u sababeysay faragelin dowladda Ruushka ay kusoo sameysay nidaamka Doorashooyinka Maraykanka, waana qadiyad weli taagan oo sirdoonka iyo xeer ilaalinta Maraykanka ay baaritaanno ka wadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.