Inkabadan 10 Ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Kaniisad ku taalla dalka Naijeriya.

Warbaahinta dalka Nayjeeriya ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Kaniisad ku taalla koonfur bari wadankaas, iyagoona halkas ku dilay tiro farabadan oo Kirishtaan ah, halka kuwa kalena ay dhaawaceen.

Weerarkan oo dhacay aroornimadii maanta ayaa gallaaftay nolosha 11 Ruux, halka 18 kalena ay dhaawacmeen, waxaana kaniisaddu ay ku taalla gobolka Anaambara ee wadanka Naijeriya.

Sida ay sheegayaan Booliiska dalkaas oo warbaahinta la hadlay, raga weerarka geystay ayaa kaniisadda gudaheed waxay ka baadi goobayeen qof loogu soo sheegay oo ay doonayeen iney khaarijiyaan balse kuma jirin qofkaas kaniisadda, waxaana si cashwaa’I ah ay rasaas ugu fureen Kirishtaanka kaniisadda ku dhex sugnaa.

Waxaa la sheegayaa in koox maxalli ah , islamarkaana dibadda ka amar qaadata ay ka dambeyso weerarkan, balse lama hayo faafaahin dhab ah oo arinkaas ku aadan.

Gudoomiyaha gobolka uu weerarku ka dhacay ayaa ku hanjabay iney soo qaban doonaan dadkii weerarkaas ka dambeeyay.

Gobolka Anaambra ayaa kamid ah gobollada ay degaan Kirishtaanka dalka Naijeeriya, mana dhici jirin in kaniisado ku yaala halkaas la weeraro.

(Xanax)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.