Inkabadan 100  Maxbuus  oo ku jiray gacanta Nidaamka Suuriya oo Dib u helay Xurriyadooda.

Wadahadalo dhexmaray hay’adda TaxriiruShaam iyo Nidaamka mujrimka Bashaar Al-Asad oo muda dheer socoday kadib, waxaa dib u helay xurriyadooda in kabadan 100 maxbuus oo ku jiray xabsiyada sumcada xun ee Nidaamka Bashaar uu gacanta ku hayo.

Maxaabiista dib u helay xurriyadooda oo gaaraya illaa 104 maxbuus ayaa 24 kamid ah waxay yihiin dumar, kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada uu Nidaamku ku leeyahay magaalooyinka Dimishiq, Xammaah, iyo Ximis ee dalka Suuriya.

Sarkaal katirsan hay’adda TaxriiruShaam oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in shuruudihii ay Mujaahidiintu uga soo baxeen gobolka Al-Qalamuun ay kamid ahayd in lasii daayo maxaabiistan, isagoona intaa ku daray in tallaabadaas ay guuleystay.

Maxaabiista oo soo gaaraya deegaannada Wuqooyiga Suuriya ee ka baxsan gacanta Nidaamka ayaa laga dareemayay farxad ballaaran, waxaana ku jira maxaabiis sanooyin xiriir ah ka maqnaa Ahalladooda oo aan nolol iyo geeri toona lagu ogeyn.

Sawirro lagu baahiyay Internetka oo laga soo qaaday maxaabiista markii ay soo gaareen deegaannada Xurta ah ayay baahisay wakaaladda Ibaa oo kamid ah warbaahinta Taxriiru-Shaam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.