Jaziiradda Iil Mooshi ee uu Iibsaday Ganacsade Itoobiyaan ah.(Dhagayso Warbixin Xasaasi ah)
Tv laga leeyahay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo M6 aya baahiyay filim decumentry ah oo uu looga sheekeynayo hantiile Itoobiyaan ah, oo lagu magacaabo Tawidso Belete, kaas oo kasoo jeeda Qomwiyada Tigreega.
Wuxuu ninkan sideetamaadkii ka cararay jaxiimadii Nidaamkii Shuuciyada ee ka talin jiray Itoobiya, isagoona degay magaalada Boton ee dalka Maraykanka, wuxuuna halkaas ka noqday Tima Jare.
Sanadki 2002 ayuu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa Itoobiya, wuxuuna bilaabay maalgash iyo hanta abuuro, isagoona markii ugu horeysay bilaabay inuu sameysto hanta ma guurta ah sida dhulalka, wuxuuna sidoo kale bilaabay dhisme iyo warshada soo saara shamiintada, illaa markii dambe uu ka noqdo mid kamid ah dadka ugu hantida badan dalka Itoobiya.
Ninkan ayaa ku guuleystay in dowladda Jabuuti uu ku qanciyo in lacago yar oo uu kaga iibsado Jaziirad aad u qurux badan oo ku taalla Jabuuti, taas oo lagu magacaabo Iil Mooshi, ninkan ayaa kasoo muuqanay filimka ,isagoo si isla weyni ku jirta u soconaya oo ku qeylinaya aniga ayaa leh Jaziiradan, hadda waxaad ku dhex sugantihiin dhulkeyga.
Halkan ka dhagayso Warbixin ka hadleysa Ahmiyadda Jaziiradda iil Mooshi iyo Qaabka loo iibsaday