Kolonyo Ciidamo Kenyaati ah oo Ku Dhacay Weerar Kamiin ah Gudaha gobolka NFD.

Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray kolonyo Ciidamo Kenyaati ah oo marayay Dhamase-da Kenya ay xooga ku heysato ee katirsan gobolka NFD, Kadib markii ay ku dheceen weerar Kamiin ah.

Sida ay sheegayaan Ilo lagu kalsoonaan karo, wuxuu kamiinkan markii dambe isku bedely Dagaal toos ah uu socoday in muda ah, iyadoona gawaari dagaal laga gubay ciidamada Kenya.

Ugu yaraan 5 katirsan gawaarida dagaalka ee ciidamada Kenya ayaa la gubay, iyadoona la rumeysanyahay iney jiraan Khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Gaari dagaal oo bad qaba.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Jilbaha u aasay ciidamada Kenyaatiga, waxaana deegaanka uu dagaalku ka dhacay Juqraafi ahaan hoos yimaada gobolka Mandera ee dowladda Kenya xooga kaga heysato Umadda Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.