Ku Dhawaad 10 Kun oo Soomaali Ah oo Sannadkan Xajineya (Dhageyso)

Xajku wuxuu kamid yahay tiirarka islaamka ee shanta ah, waa rugniga shanaad waxaana lawaajibiyay sanndki lixaad ee Hijriyada.

Maanta oo ah Arboco taariikhduna ay ku beegan tahay 08-12-1438 waxay aroortii hore ee saaka dadka muslimiinta ah ee xajinaya soo xirteen Ixraamkii Xajka iyagoo xirtay labada go’ ee loogu tala galay xajka kadibna waxay u bexeen Mina halkaasoo ay duhurka ku dukan doonaan, acmaashoodana kasii wadan doonaan insha’allaah.

Berri oo sagaalaad ah markey Qorraxdu soo baxdo waxay aadayaan buurta Carafe oo ay ku dagayaan kuna cibaadeysanayaan. Waxaa u xiga oo ay aadayaan Muzdalifa, kadibna Mina halkaasoo ay ka billaabayaan iney Jamaraadka Caqaba ku tuurtaan todobo dhagax oo quruuraxa ah iyagoo takbiiranaya markastoo ay tuuraan.

Kadibna Hadyigii (xoolaha xajka) ayay gawracayaan, dabadeedna Timaha ayay xiirayaan ama ay gaabinayaan waxaana fadli badan kan xiira timaha. Haweenkuna waxay jarayaan timaha madaxa faraqeeda wax yar, intaas kadib way xalaaloobayaan. Sidaas ayay acmaashooda u gudanayaan illaa maalinta u dambeysa insha’allaah.

Haddaba sannadkan waxaa xajinaya malaayiin Muslimiin ah oo ay kamid yihiin 9 kun oo Soomaali ah sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah xujeyda Soomaalida oo aan khadka telefoonka ku wareysanay habeenkii xalay, iyagoo sheegay iney Allaah usoo baryayaan inuu muslimiinta guud ahaan iyo Soomaalida gaar ahaan ka dul qaado dhibaatada ku habsatay.

Halkan Ka Degso Wareysiyada Dadka Xajinaya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.