Kudhowaad 20 Askari oo katirsan xukuumadda Afqaanistaan oo lagu dilay dagaallo ka dhacay dalkaas.

Sida ay ku warammayaan wararka naga soo gaaraya dalka Afqaansitaan, ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa ku guuleystay iney difaacdaan deegaanno katirsan gobolka Balakh oo ay dhawaan kala wareegeen ciidamada xukuumadda Kaabul.

Ciidamada dowladda Afqaanistaan ayaa xamlo dagaaleed ay ku doonayaan iney kula wareegaan deegaano ay dhawaan Mujaahidiintu la wareegeen waxay kusoo qaadeen mujaahidinta, waxaana dhacay dagaallo kulul.

Deegaannada Basham Qalca iyo Baabraan ee gobolka Balakh ayay dagaallada ugu culus ka dhaceen, waxaana Mujaahidiintu ay dib u caabiyeen ciidamadii duulaanka soo qaaday, kuwaas oo taageero dhanka hawada ah ka helayay diyaaradaha Maraykanka.

Inta ay Mujaahidiintu xaqiijiyeen waxaa dagaalladaas lagu dilay 17  Askari halka 14 kalena lagu dhaawacay, waxaana Mujaahidiintu gubeen gawaari dagaal oo ay wateen malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.

Dhanka Mujaahidiinta sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Imaarada waxaa ka shahiiday hal Mujaahid, dhamaan deegaannadii lagu dagaallamana waxaa gacanta ku haya Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.