DEG-DEG:Leego Oo Gashay Gacanta Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Boqollaal katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxyar ka hor gudaha u galay deegaanka Leego oo aroornimadii hore ee saaka ay ka carareen ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Yugaandha.
Dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Mujaahidiinta ay dhowr jiho kasoo galeen Leego, iyadoo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka milliteriga ay adeegsadaan.
Shacabka ku dhaqan Leego ayaa aad u faraxsan, waxaana ay farxadda ka bixitaanka Shisheeyaha u labeeyay Mujaahidiinta oo dib u qabsaday deegankooda, taas oo ka dhigan in maamulkii Shareecada Islaamka uu ka hana qaadi doono deegaanka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sugaya Amaanka deegaanka, waxaana ay ku suganyihiin qeybaha kala duwan ee xaafadaha Leego.