Madaxii Warfaafinta Aqalka Cad oo is casilay.
Tan iyo markii Donald Trump uu la wareegay madaxtinimada dalka Maraykanka, waxaa la dareemayay khilaafaad iyo iska daba hadal ay sameynayaan madaxda dowladda Maraykanka, iyadoo loo aaneynayo siyaasadda iyo qalafsanaanta madaxweynahan ay dad badi ku tilmaamaan inuu yahay mid waalan.
Waxaa jira mas’uuliyiin farabadan oo lixdii bilood ee lasoo dhaafay xilalka laga casilay, halka kuwa kalena ay iyagu garteen iney isaga tagaan jagooyinkooda, waxaana ugu dambeeyay madaxada xilalka laga qaaday Afhayeenkii Aqalka Cad ee Shon Spiser.
Donald Trump oo isku dayaya inuu buuxiyo firaaqa ay keeneen madaxda jagooyinkooda laga eryay iya kuwa iyaga iska cararay ayaa maalmahan wuxuu magacaabayay mas’uuliyiin cusub, kuwaas oo qaarkood aan wax aqoon ah u lahayn arimaha siyaasadda.
Warbaahinta Maraykanka noocyadooda kala duwan ayaa waxay baahinayaan inuu jagada isaga tagay madaxiii warfaafinta Aqalka Cad Antoni kadib toban maalmood oo uu hayay xilkaas.
Ninkan ayaa tobankan maalmood ee uu xilka hayay wuxuu ihaaneystay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan maamulka Maraykanka, oo uu ku jiro Abaanduulaha guud ee ciidamada Maraykanka Reince Priebus, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin liita oo waalan islamarkaana isla weyn.
Si dhab ah looma oga sababaha keenay is casilaadda Antoni oo ahaa madaxa warfaafinta Aqalka Cad balse waxay warbaahinta Maraykanku sheegeen in xoghayaha guud ee Aqalka Cad uu ninkan ka codsaday inuu xilka isaga dego, waxaana Trump looga fadhiyaa so magacaabista mas’uul cusub, iyadoona ay muuqaneyso dad bandanna ay sahdaalinayaan in Trump uusan 4 tiisa sano dhameysan doonin, kuna qasbanaan doono in isaga qudhiisa xilka isga dego.