Malaayiin Ruux oo Xujaaj ah oo Taagan Banka Carafo.
Waxaa barxadda weyn ee Carafa taagan malaayiin Ruux Muslimiin oo ah sanadkan gudanaya Waajibka Rukniga shanaad ee Islaamka oo ah Xajka,
Dadka Muslimiinta ayaa xalay waxay seexdaan Mina, iyagoona saaka bilaabay iney ku qul qulaan Banka Carafo, waxaana dadka qaar ay ahaayeen kuwa lugeynaya halka qaarka kalana ay ku tageen Basaska waaweyn ee Xujaajta qaada.
Marka ay Xujaajtu salaadda Maqrib ku tugtaan Carafo ayay aadi doonaan Muzdalifa si ay isugu diyaariyaan dhagax tuurista iyo maalinta Gowraca ee Ciidul Adxaa oo ku beegan berito oo ah Jimco.
Sida ay sheegeyso Xukuumadda Aala-Sucuud ee ka arimisa Xarameynka, waxaa sanadkan Xajka yimid Hal Milyan iyo 958 kun oo Ruux, waxaana amniga iyo kala dambeynta hagaya 100 kun oo katirsan Ciidamada Amaanka.
Aala-Sucuud ayaa sheegaya iney ka taxadarayaan iney dhacaan shilkii dadka badani ku dhinteen ee sanadkii 2015 ka dhacay Xajka, waxaana dadka loogu baaqay iney qaataan Towjiihaadka la siinayo.
Markii ugu horreysay waxaa sanadkan Xajka aan imaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Qadar, oo go’doon dhan weliba leh ay kusoo rogeen maamulka Aala-Sucuud, Imaaraatka, iyo Masar.