Maraykanka Oo Gumaad Cadowtooyo ka geystay Gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa habeenkii Xalay waxay duqeyn Cadowtooyo ka geysteen tuulla katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku xasuuqeen Qoys Soomaali ah.

Wararka ka imaanaya tuulada Axmed Yare oo u dhexeysa magaalooyinka Jilib iyo Kamsuuma ayaa ku waramaya in diyaarado Drones ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka habeenkii xalay deegaankaas ku dishey Todobo Ruux oo isku qoys ahaa.

Duqeynta kadib ayaa Ciidamo lug ah waxay soo galeen Guriga, iyagoona halkaas ku dhameystiray wixii dhaawacmey iyo intii duqeynta ka badbaaday.

Xasuuqan cadowtooyo oo ah mid laga naxo ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ah Aabaha dhalay Qoyska la gumaaday, Xaaskiisa iyo Caruurtii ay dhaleen ee guriga jiifay xilliga ay duqeyntu dhaceysay.

Waa Xasuuqii ugu xumaa ee dhawaantan dowladda Maraykanku ka fuliso dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka lagu maamulo Shareecada Islaamka, wuxuuna imaanaya iyadoo madaxweynaha cudurka dhimirka qaba ee Donald Trump uu Soomaaliya ka dhigay goob dagaal oo ciidamadiisu waxay doonaan ka fulin karaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.