Maraykanka oo Si Jees-jees ah uga hadlay dadkii Ciidamadiisu ku laayeen Bariire.(Sawirro)

Ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa sii wada xasuuqa abaabulan ee ay kula kacayaan dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo la kulmaya xamlo lagu soo qaaday jiritaankooda iyo diintooda.

Habeen hore ayaa Ciidamo Maraykan ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah oo ay iyagu tababareen ayaa weerar ku qaaday dhul beereed lagu magacaabo Dajuuma oo dhaca duleedka deegaanka Bariire oo dhawaan ay ciidamada Maraykanka la wareegeen.

Ciidamada Maraykanka ayaa si bareer ah oo muuqata waxay u dileen 11 Ruux oo Shacab ah oo isugu jira rag, Caruur iyo waayeello.

Meydadka Dadka la laayay ayaa lagu waramayaa in la geeyey magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasayo, waxaana jira tiro kale oo Shacab ah oo ay ku jiraan dad dhaawacan oo ciidamada Maraykanka ay Afduubteen.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Maraykanku la socodo waxay ku tilmaameen Sheegashooyinka qeexaya in dad shacab ah ay  ciidamadoodu laayeen, waxaana ay intaas ku dareen in baaritaanno ay sameynayaan.

Arinta la yaabka leh oo la is waydiinayo ayaa ah waxa baaritaannada loo sameynayo, maadama dadka la laayay ay cadahay iney shacab yihiin, Sawiradoodana lagu faafiyay baraha Internetka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.