Maraykanka oo Tobaneeyo Ruux ku dilay dalka Afqaanistaan isagoo u Aargudaya Ciidamo Shalay looga laayay dalkaas.

Iyadoo maalintii shalay dalka Afqaanistaan ay ciidamada Imaarada Islaamiga ee Daalibaan ay ku dileen 20 Askari oo Ameerikaan ah kadib markii ay dhulka soo dhigeen diyuurad hellecopter ah oo ay saarnaayeen ayaa ciidamada Maraykanka waxay aargudasho kula kaceen dadka Muslimiinta.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa bartii shalay diyuuradda looga soo riday ee mandiqadda Dosht-Baari ee gobolka Lowjar waxay ka geysteen duqeymo wuxuushnimo ah, taas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen inkabadan 10 Ruux.

Duqeynta ay diyaaraduhu fulinayeen oo ahayd mid aan loo meel dayin ayaa inta haatan la hubo waxaa ku dhintay 13 Ruux, iyadoona 7 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana inta ugu badan dadkan ay yihiin dumar iyo caruur masaakiin ah oo shacab ah.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga ee Dhaaliban Sheykh Dabiixullaahil Mujaahid oo ka hadlay leynta shacabkan ayaa sheegay in Maraykanu ka aargudanayo dadka Muslimiinta marka saaxada dagaalka lagu gaarsiiyo khasaare farabadan, wuxuuna sheegay in dadkan ay ku laayeen gobolka Lowjar ay uga aargudayeen ciidamadii shalay looga diley isla gooblkaas.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.