Mas’uul Talyaani ah oo sheegay iney dilayaan qof kasta oo ku dhawaaqa Allaahu Akbar.

Iyadoo wadamada Qaaradda Yurub ay kusoo badanayaan ficilada cunsuriga ah ee ka dhanka ah muslimiinta ku sii xoogeysanaya qaaradaas ayaa warkii ugu cuslaa dhawaantan wuxuu kasoo yeeray mas’uul katirsan dowladda Talyaaniga.

Gudoomiyaha gobolka loo dalxiis tago ee Feyniisiya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay iney sujuuda ka toogan doonaan qof kasta oo ku dhawaaqaya Allaahu Akbar oo lagu arko goobaha dalxiisayaasha isugu yimaadaan.

“ qof kasta oo ku dhawaaqa Allaahu Akbar isagoo taagan barxadda San marck waxaa toogan doona Shiish-yahannada”.

Isagoo jees jeesaya ayuu sheegay in qofka noocaas ah ay u diri doonaan dhanka Rabigiisa uu magaciisa ku dhawaaqayo.

Dad badan ayaa warka Mas’uulkan katirsan dowladda Talyaaniga ka carooday waxaana ay ku tilmaameen inuu yahay mid muujinaya naceybka uu u qabo Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.