Safiirka Ruushka u fadhiyay dalka Suudaan oo laga heley Gurigiisa isagoo Meyd ah.

Sida lagu xaqijiyay bayaan kasoo  baxay wasaaaradda arimaha dibadda dowladda Suudaan, waxaa geeriyooday Safiirkii Ruushka u fadhiyay magaalada Khardhuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Safiirka oo lagu magacaabo Shiiriniski ayaa laga heley maalintii shalay oo Arbaca ahayd gurigiisa isagoo meyd ah, waxaana Booliiska Suudaan uu ka gaabsaday inuu ka hadlo sababta keentay geerida Safiirka.

Dowladda Suudaan ayaa muujisay sida ay uga tiiraanyeysantahay geerida Safiirka Ruushka ee Suudaan oo ay sheegtay inuu dowr fiican ka qaatay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Dhanka kale Afhayeenad u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa Warbaahinta u xaqiijisay geerida Safiirkoodii u fadhiyay dalka Suudaan, iyadoona sheegin macluumaad intaas kabadan.

Diblumaasi katirsan wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in Safiirku u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah oo si lama filaan ah ugu soo booday, balse lama oga in warkan uu saxyahay iyo in kale.

Sanadkii 1977-dii ayuu Shiriniski kusoo biiray dowladda Ruushka, wuxuuna Diblumaasi kasoo nqoday wadamo badan oo Carbeed sida Masar iyo Yaman.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.