Saldhiga Ciidamada Jabuuti Ee magaalada Jalalaqsi Oo La weeraray.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay xalay ku qaadeen saldhiga ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa ayaa hub kala duwan waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada Jabuuti, waxaana dadaka magaalada ay sheegeen in rasaasta la is weydaarsanayay ahayd mid aad u culus.

Dagaalka oo in muda ah socoday waxaa la rumeysanyahay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu sababay oo soo gaaray ciidamada Jabuuti.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa markii ay howlgalka sidii ay usoo qorsheeyen u fuliyeen waxay ku laabteen meelihii ay kasoo duulaan tageen.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.