Saraakiil katirsan Booliiska Kenya oo lagu laayay Gobolka Gaarisa.

Wararka ka imaanaya dhulka ay gumeysato Kenya ee NFD ayaa tibaaxaya in weerar culus lala eegtay  ciidamo katirsan Booliiska Kenya, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo ahaa Kamiin islamarkaana lagu billaabay miinooyin lagu aasay wadada ayaa ka dhacay inta u dhexeysa  Boodhaay iyo Ijaara oo hoos yimaada magaalada Gaarisa, wuxuuna ahaa weerar aad u culus oo in muda ah socoday.

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya, 5 Askari oo katirsan Booliiska ayaa ku dhintay weerarkan halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas kabadanyahy.

Maamulka Gaarisa ee dowladda Kenya ayaa ku eedayay weerarkan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si firfircoon uga howlgala dhulka Muslimiinta ee ku jira gumeysiga Kenyaatiga.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowr mar oo hore waxay dhulka NFD iyo Xeebaha ay dadka Muslimiinta degaan ka fulisay weeraro lagu hoobtay oo lagu  laayay ciidamo Kenyaan ah iyo dad Nasaaro ah, waxaana muuqaneysa iney kusii xoogeysaneyso gudaha Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.