Saraakiil Miina Baarayaal ah oo lagu dilay Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa ku waramaya in Qarax culus lala eegtay saraakiil katirsan maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Cabdi Weli Gaas.

Qaraxa oo ahaa mid culus wuxuu ku dhacay deegaan lagu magacaabo Balli-khadar oo katirsan gobolka Bari, waxaana ku dhintay labo Sarkaal oo Miina baarayaal ah.

Saraakiisha ayaa isku dayay iney fur furaan miinada oo lagu aasay hareeraha wadada, balse iyada ayaa ku qaraxday, taas oo keentay iney kala faniinaan.

Dhanka kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Buuraha Goolis ayaa howlgallo milliteri oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Puntland ka fuliyay deegaanka Galgala.

Ciidamada Mujaahidiinta qeybtooda Jugta culus ayaa madaafiic ku garaacay saldhigyada ciidamada Puntland, iyadoona dhanka kale guutooyinka Shiishyahannada ay u gaarsadeen malleeshiyaad katirsan maamulka Puntland, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Galgala.

Ugu yaraan 12 Askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday howlgalladan isuug jiray duqeynta iyo Shiishka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.