Sarkaal Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Kacdoonada Iyo Dagaalada Dalkaasi Ka Socda.
Wararka ka imanaya Itoobiya iyo dhulka ay gumeysato ayaa sheegaya in saacado ka hor gobolka Caruusa ee Muslimiinta Oromada lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Boliska sida gaarka ah u tababaran.
Sarkaalkan ayaa lasoo warinayaa iney dileen kacdoon wadayaal hubeysan xilli uu hogaaminayay ciidamo loogu tala galay iney cagta mariyaan muslimiinta diidan xukunka Tigreega.
Dhacdadan kadib waxaa dhaqdhaqaaqyo sameeyay askartiisii balse uma suura galin inye gacanta ku dhigaan dadkii sida gaarka ah uga dambeeyay hawl galka qorsheysan ee lagu dilay sarkaalkan.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa wali ka soconaya kacoonada iyo dagaallo hubeysan oo looga soo hor jeedo maamulka kaligi taliska ah ee Qabiilka Tigreega, waxaana lasoo sheegayaa in gobolada ugu daran ay yihiin kuwa Oromada iyo Amxaarada.
Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniintii labaad oo ay muddo sannad gudihii ah muwaadiniinteeda jooga Adis-ababa uga mamnuucday iney ku safraan gobolada wadankaas sababo la xiriira kooxo hubeysan oo jooga gobolo iyo magaalooyinka waaweyn ee caasimadda ka baxsan. Si lamid ah wuxuu Mareykanku muwaadiniintiisa kale uga digay iney u safraan Itoobiya.