Sawirro:Dabeysha Hervey oo Weli Socoda iyo Texas Oo Loo Aqoonsaday Gobol Musiibo ku dhacday.

Waxaa Si xiriir ah weli uga socoda dalka Maraykanka qeybo badan oo kamid ah daadadka loogu magac daray Hervey oo si ba’an u saameeyey dalkaas, islamarkaana sababay khasaare Nafeed iyo mid Maaliyadeed intuba.

Daadadkan oo wata dabeylo xoogan, kana dhashey Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Texas ayaa wuxu saameyn ku yeeshey isku socodka Gaadiidka, Diyraadaha, Tareennada iyo howlihii caadiga ahaa.

magaalada Heusten oo ah mida 4-aad ee ugu weyn dalka Maraykanka ayaa gebi ahaanba isku bedeshey wado biyo mareen ah oo kale, waxaana xiran Garoonka diyaaradaha ee magaalada halkaas oo diyaaradihii ku baakimnaa ay biyuhu ka sara mareen.

Daadadkan dabeylaha wata ee weli ka socoda dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhashey dhimashada 5 Ruux iyo dhaawaca 12 kale, waxaana Maraykanku khasaaray lacag gaareysa 40 Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, iyadoona warshado gaaraya 25,000 ay gebi ahaanba noqdeen kuwa xiran oo shaqada kabaxay.

Dowladda Maraykanka ayaa dabeylaha taagan ku tilmaamey musiibo qaran, waxaana gobolka Texas iyo kuwa kale loo aqoonsaday goobo ay ka taagantahay musiibo banii aadamnimo, Donald Trump oo damacsanaa inuu aado gobolka Texas ayaana ka baaqday tallaabadaas.

War goordhow kasoo baxay dowladda Maraykanka waxay ku sheegtay in laga cabsi qabo in sunta Kiimikada ay ku baahdo hawada dalkaas, maadama dabeysha Hervy ay saameyn karto warshada sunta Kiimikada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.