Sheekhul Callaamah Mubaarakafoori oo Geeriyooday.

Waxaa maanta oo Isniin ah geeriyooday mid kamid ah culimada ugu caansan cilmiga Xadiithka ee dhulka Qaarad U Ekaha Hindiya, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Dahiirudiin Al-mubaarakafoori.

Sheekhan oo kaalin ka qaatay faafinta cilmiga Xadiithka, Tafsiirka iyo majaalaad badan oo diinta Islaamka katirsan ayaa dhashay sanadki 1923-dii miiladiyada, waxaana dhalay Sheekh lagu magacaabo Cabdi Sabxaan.

Dugsiyada hoose iyo Dhexe wuxuu Sheekhu kusoo qaatay madaraso yar oo ku taalla tuulada Xuseyn Aaabaad ee gobolka Yuubi, isagoona waxbarashada sare ku qaatay magaalada Delhi.

Wuxuu Sheekhan kamid yahay culimada Muslimiinta ee ugu caansan wadanka Hindiya, isagoona leh Mu’allafaat badan, waxaana geeridiisa ay ka dhigantahay mid naxdin leh marka loo eego dhanka Muslimiinta.

Sida ay sheegayaan Xirta Sheekha, wuxuu Sheekhu ku takhasusay 17 fan oo ay kamid yihiin cilmiga Xadiithka, Tafsiirka, Taariikhda Islaamka, Carbaiyadda iyo funuun kale,

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.