Tahriibiyaal ku Le’day Xeebaha dalka Yaman.

Sida ay ku waramayaan wararka Warbaahinta Al-Furqaan ay heleyso, waxaa xeebaha dalka Yaman lagu daadiyay Tahriibiyaal u dhashey dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo kusii socoday dalka Yaman si ay uga sii gudbaan wadamada Khaliijka.

Dooni ay saarnaayen ugu yaraan 50 Ruux ayaa lagu soo waramayaa in dadkii saarnaa si qasab ah loogu daadiyay badda, kadib markii Naaqudaha Doonta uu dareemey in xeebta uu ku wajahnaa ay ku suganyihiin ciidamo hubeysan oo laga yaabo iney gacanta ku dhigaan.

50 Ruux ee lagu daadiyay badda waxaa la sheegayaa iney isugu jireen rag iyo dumar dhamaantooda dhalinyaro ah, waxaana loo badinayaa in inta badan dadkaas ay dhinteen marka laga tago tiro yar oo badbaaday.

Hay’adaha daneeya arimaha Tahriibiyaasha qaarkood oo hadlay waxay sheegeen iney ogaadeen in ugu yaraan 22 Ruux ay dhinteen kuwaas oo meydadkooda lagu aasay meel u dhow Xeebta, halka inkabadan 20 kalena la la’yahay.

Arinta naxdinta leh  waxay tahay in Naaqudaha falkaas fool xumada badan ku kacay inuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya , si uu mar kale u daabulo dad Masaakiin ah uguna daaadiyo badda dhexdeeda.

Dalka Yaman oo ay dagaallo culus ka socodaan ayaa si joogta ah waxaa ugu qul qula dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo laga dhaadhicyay in shaqooyin iyo nolol fiican ay ka heli doonaan dalalka Carabta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.