Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Xaqiijisay Istish-haadka Waaligii Wilaayada Banaadir.(Bayaan)

Bayaan ku saxiixan hogaanka ugu sareeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayna baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib ayaa Umadda Islaamka looga tacziyeeyey istish-haadka waaligii Wilaayada Islaamiga Banaadir Sheykh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Bayaankan oo ku qornaa Luuqadda Carabiga, kana koobnaa dhowr Beyj ayaa watay nusuus Sharci ah, waxaana Umadda Islaamka iyo Mujaahidiintaba looga tacsiyeeyey Istish-haadka Sheekha oo ay Mujaahidiintu xaqiijiyeen in diyaarad drones ah ay ku beegsatay meel u dhow magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaar kamid ah sifaatkii wanaagsana ee uu Sheekhu Alle u hibeeyey ayaa bayaanka lagu soo qaatay oo ay kamid ahayd inuu dhab ka ahaa halganka uu ku jiray, iyo sidii uu amni iyo kala dambeyn ugu soo dabaalay magaalada Muqdisho xilligii ay Mujaahidiintu maamulayeen.

Wuxuu Sheekhu ahaa Xaafidul Quraan, Cilmiga Fiqhiga iyo Luuqadda Carabigana si fiican u garanaya, waxaana la xaqiijiyay inuu la shahiiday wiil uu isagu dhalay oo lagu magacaabo Muxamed Amiin, da’diisuna ahayd 12 sano.

Hoos Ka Akhriso Bayaanka oo ku Qoran Luuqadda Carabiga.

Bayaan ku saabsan Istish-haadka Sheekh Cali Jabal.

 

You might also like
1 Comment
  1. abuu ahmed says

    Allaha kaaqbalo shahadadisa istishhadkisa wunaxanujinaya allahna waxan ugu barya janadisa wasica ah inugeyo gaaladana waxanleyahay wad khasarten wadna khadaridontan wadna cariridontan adinko dulobay bidnillahi shekha dhigisa manoqondona mid lidindayo bidnillah wakashalaye dontan

Leave A Reply

Your email address will not be published.