Al-Kataa’ib Oo Filim kasoo saartay Jawaasiis Kenyaati ah.
Mu’assasada warbaahineed Al-Kataa’ib oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay filim ay kasoo muuqanayaan Jawaasiis Kenyaati ah oo lagu dilay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday iney la shaqeynayeen Sirdoono Afrikaan iyo Yurub isugu jira.
Filimkan oo la daawan karo inkabadan 20 daqiiqo, waxaa kasoo muuqanaya 3 Jaajuus oo ku lug yeeshay falal ka dhan ah Mujaahidiinta Bariga Afrika iyo hogaankooda.
Jaajuuska koowaad waxaa lagu magacaabaa Cabdallah Talaal Muuse oo 28 jir ah, kana soo jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ka sheekeynaya falalkii uu ku kacay iyo sida uu ugu shaqeeyay Sirdoonka Kenya ayuu Filimka kasoo muuqanayaa.
Jaajuuska labaad ee Filimka kasoo muuqanaya waxaa lagu magacaabaa Cabdi Casiis Mukayo Omambia oo markiisii hore gaal ahaa balse dib ka islaamay, wuxuuna isaguna la shaqeeyay Sirdoonka Kenya oo uu ka saaciday macluumadyo la xiriira Muhaajiriinta soo galeysa Soomaaliya iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.
Jaajuuska Sadexaad waxaa lagu magacaabaa Cabdi Casiis Mukayo Omambia oo gudaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab looga yaqaano Khaalid, wuxuu ninkan la shaqeeyay Sirdoonka Ingiriiska oo uu gudbiyay magacyada iyo Nambarada ay isticmaalaan Muhaajiriin ku sugan Soomaaliya oo qaar shahiiday qaar kalana ay noolyihiin.