Al-Shabaab Oo Weeraray Xubno katirsan Ururka Haweenka “Qaranka”.

Duhurnimadii maanta ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen Gaari marayay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, kaas oo  ay saarnaayeen madaxda ugu sarreysa waxa loogu yeero “Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed”.

Rag hubeysan ayaa Rasaas Ooda uga qaaday Gaariga, waxaana durba halkaas ku dhintay darawalkii gaariga oo ay dhashey haweeneyda madaxda ka ah Ururka oo lagu magacaabo Batuulo Sheekh Axmed, iyo Xoghayihii Ururka haweenka haweeneyda lagu magacaabo Canab Cabdullaahi Xaashi.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana war lagu baahiyay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada si toos ah loogu sheegay in dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta ay weerarka fuliyeen.

Ururka Haweenka ayaa ah urur hoos yimaada dowladda federaalka, waxaana muhiimadiisu ugu horreysa ay tahay inuu guryaha kasoo saaro hablaha Muslimaadka, kuna qanciyo iney Raga dhex galaan waxna la qeybsadaan, waana urur halis ku ah Jiritaanka Umadda marka loo fiiryo waxyaabaha uu faafinayo.

Weerarkan lagu qaaday xubnaha ugu sarreeya Ururka Haweenka “Qaranka Soomaaliyeed” ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Ra’iisul wasaaraha dowladda khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ku faanay in dowladiisu ku guuleystay in haween badan ay jagooyin kasiiso Xukuumadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.