Al-Shabaab: Qalbi-Dhagax Nagama Tirsanayn.

War kasoo baxay  Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay war kasoo baxay dowladda federaalka, kaas oo ahaa in Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan loo dhiibay dowladda Itoobiya uu ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Bayaanka kaso baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uusan weligiisa kamid noqon Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana aysan jirinwax xiriir ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

” Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda ridada ah ee Farjaamo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya, iyadoo wax badan bulshada Soomaaliyeed lagu marin habaabin jiray in Farmaajo uu yahay shakhsi wadani ah kana soo horjeeda siyaasada Itoobiya, Waxaa bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed u caddaatay in Farmaajo uu yahay dabadhilifka ugu xun ee Itoobiya, danaheedana u adeega, uuna kasii liito kuwii isaga kasii horeeyay sida Shariif Murtad iyo Xasan Sheekh” . ayaa lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Maktabka warfaafinta ee Mujaahidiinta.

Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen maanta Wasiirada dowladda Federaalka oo looga hadlayay qadiyadda Qalbi Dhagax ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ninka ay dowladda federaalka ay u dhiibtay Itoobiya uu ahaa ” Argagixiso” xubin ka ahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.