Arday Qur’aanka Kariimka Baraneysay oo ku dhamaaday dab ka kacay Malayziya.
Inkabadan 20 Arday oo Caruur ah oo da’oodu u dhexeysay 13 illaa 17 sano oo baranayay Quraanka Kariimka ayaa ku dhamaaday dab ka kacay dugsigooda oo ku yaala magaalada Kulalambuur ee caasimadda dalka Malayziya.
Warar ka imaanaya caasimadda Malaysiya ayaa sheegaya in ardeyda dhimatay ay tiradoodu gaareyso 23 Arday, ayna dhamaantooda wada geeriyoodeen.
Saraakiisha Booliiska oo hadlay waxay sheegeen iney wadaan baaritaanno lagu doonayo in lagu ogaaado sababta rasmiga ah ee keenay dabkan.
Dadka magaalada Malayziya ayaa aad u hadal haya dhimashada caruurtan faraha badan, waxaana loo maleynayaa in dabkan uu ahaa mid ku talagal ah oo lagu doonayay in lagu gumaado ardayda baranaya dinta Islaamka.