Askar katirsan Maamulka Puntland Oo lagu dilay gobolka Bari.

Raid on the apostate encampment at Af-Urur – 100KW SW of Bosaso

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaallama gobolka Bari ayaa weerar dhabbagal ah oo aad u  culus waxay u dhigeen ciidamo katirsan maamulka Puntland ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolkaas.

Weerarka Kamiinka ah oo aad u cuslaa iskuna bedelay dagaal xoogan waxaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada maamulka Puntland.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa Weerarka Kamiinka lagu dilay 4 Askari oo mid uu Sarkaal yahay laguna magacaabo Abshir Dheere, halka lagu dhaawacay 5 kale, waxaana ciidmadii badbaaday ay ka firxadeen goobta dagaalka.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo dhawaantan ay la kulmaan ciidamada maamulka Puntland, oo horay ula kulmay weeraro culus oo uu ku jiro kii Af-Urur, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sii laba jibaabay howlgallada ka dhanka ah ciidamada Soomaalida ee Shisheeyaha ku daaban.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.