Camaliyad Nafhurnimo oo Aargud u ah Raayada Towxiidka Ayaa ka dhacday dalka Afqaanistaan.

Istish-haadi katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa camaliyad Istish-haadi ah wuxuu maanta ka fuliyay gobolka Barwaan ee dalkaas, isagoona beegsaday ciidamo Maraykan ah oo isku diyaarinayay iney qaadaan howlgal Milliteri.

Istish-haadiga weerarka fuliyay oo lagu magacaabo Muxamed Idriis ayaa ku guuleystay inuu bartamaha ka istaaga ciidamo Ameerikaan ah oo ku sugnaa afaafka hore ee saldhiga Bagram ee gobolka Barwaan, kaas oo ah saldhiga ugu weyn ee dalka Afqaanistaan ay ku leeyihiin ciidamada Maraykanka.

War kasoo baxay Afhayeenka Imaarada Dabiixullaahil Mujaahid ayuu ku sheegay in Camaliyadan Istish-haadiga ay Aargud u ahayd kalimada Towxiidka oo ay ku jees jeeseen islamarkaana ihaaneysteen maanta Ciidamo Ameerikaan ah.

Ugu yaraan 20 Askari oo Maraykan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday camaliyadda, waxaana jira dhaawacyo xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Imaarada Islaamiga ah waxay ku hanjbtay in kumanaan dhalinyaro Muslimiin ah ay diyaar u yihiin iney naftooda uhuraan difaaca kalimada Towxiidka ee Maraykanka ihaaneysteen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.