Ciidamada Alshabaab oo Gobalka Lamu ku Dilay Shan Ruux Kenyaati ah.(Warbixin)

Markale ayay  Ciidamada Xarakada Alshabaab Howlgal dhiig uu ku daatay  ka fuliyeen Wadanka Kenya.

Dagaal yahano hubaysan oo katirsan Alshabaab ayaa xalay gudaha galay deegaanka hindi  oo katirsan Gobalka lamu.

Ciidamada oo isku fidiyay deegaanka ayaa bartilmaameed ka dhigtay dadka Kirishtaanka ah ee Ku noolaa Magaalada.

Shan ruux oo kamid ah Kirishtaanka kenya  ayaa lagu dilay weerarka, waxaana lagu gubay shan Guri sida idaacada Alfurqaan uxaqiijiyeen Saraakiil katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda umaamulaya deegaanka oo horay ay kaga jirtay Cabsi ku aadan weeraro ka yimaada shabaabka ka howlgalla Kenya.

Waxaa Xusid Mudan in Ducaada shabaabul Mujaahidiin ay uqudbeeyeen Muslimiinta ku dhaqan deegaanka la weeraray ee Hindi.

Muxaadarooyin diini ah oo ka hadlaya jihaadka ayaa loo jeediyay Muslimiinta kuwaasi oo lagu dhiiragaliyay inay hubka qaadaan oo ay buuxiyaan safka walaalahooda la halgamaya Ciidamada Kenya oo duullaan qar iska tuurnimo ah ku jooga Soomaaliya.

Qaar kamid ah warbaahinta Kenya ayaa  dhankooda daabacay Meydadka afar qof in lagu arkay deegaanka Hindi.

Gobalada ay cabsida kataagantahay ee Kenya ayaa waxaa ka socda barakac iyo banaanbaxyo ay dhigayaan Nasaarada Kenya kuwaasi oo dowladda ku dhaliilaya inay ka gaabisay sugiddda amaankooda.

Deegaanka Hindi ee weerarku ka dhacay ayaa ku dhow xeeb ay dhowaan Kenya ka dhisi doonto dekad laga dhoofiyo shidaalka iyo kheyraadka ay ciidankeedu ka boobeen dhulka Soomaaliya,

Weerarkaan xalay dhacay ayaa kusoo aadaya xili shalay ciidamada shabaab sadax qof kenyaan ah ay ku dileen Magaalada Dhoobley.

Raggaasi ayaa ahaa injineero la shaqeynayay Ciidamada Kenya.

Bililhii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay weerarada shabaab ee ka dhan ah Ciidamada Kenya iyo Shacabkooda Nasaarada ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.