Ciidamada Kenya Oo Ka Cararay Magaalada Baardheere.

Baardheere markii ay Maamulayeen Mujaahidiinta.

Wararka naga soo gaaraya Wilaayada Islaamiga ee Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamadii Kenyaatiga ee dhowrka sano duulaanka ku joogay magaalada Baardheere ay gebi ahaanba isaga baxeen magaalada Baardheere.

Ciidamada Kenya oo maalmihii lasoo dhaafay gaar ahaan shalay waday Dhaq-dhaqaaqyo u muuqday bixitaan ayaa ka dhabeeyey arinkaas, waxayna gubeen dhamaan Saldhigyadiii ay ku lahaayeen magaalada, iyagoona afka saaray dhanka magaalada Balad-Xaawo ee u dhow xudud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya oo diif ka muuqato, kana baqaya iney la kulmaan weeraro Dhabbagal ah oo lagu gumaado ayaa hawada ka saaray Anteenada Shirkadaha Isgaarsiinta, waxaana horey u raacay ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Kenya ay soo tababartay.

Waxaa magaalada ku haray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo malleeshiyaad iyaga la socoda, kuwaas oo degan Garoonka iyo nawaaxiga Buundada Magaalada Baardheere.

Dadka magaalada Baardheere ayaa aad ugu farxay in magaaladooda ay isaga baxaan Ciidamada Kenya, iyagoona Alle ka baryay in kuwa ku haray ee Xabashida ah uu si deg deg ah uga saaro, kuna soo celiyo magaalada maamulkii Islaamiga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaab.

Lama Oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee magaalada Baardheere, balse waxay Dadka Ka faallooda arimaha milliteriga ay sheegaya in cabsi xoogan ay lasoo derestay ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya jooga,  iyagoona ka baqanaya weeraro lamid ah kuwii Jannaale, Leego, Ceel-Cadde iyo Kulbiyow iney la kulmaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.