Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Dagaal Kula wareegay Bariire.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Aroornimadii hore ee saaka waxay weerar culus ku qaadeen Fariisimimo deegaanka Bariire ay ku leeyihiin Ciidamo Soomaali ah oo uu Maraykanku tababaray.

Dagaalka oo lagu daah furay Labo camaliyadood oo Istish-haadi ah, waxaa uu aha mid culus oo in muda ah socoday, waxaana la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ay Milliterigu ku dagaallamaan.

Dagaal muda socoday kadib waxay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab cagta mariyeen dhamaan saldhigyadii ciidamada Soomaalida, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday tobanaan katirsan ciidamada la weeraray.

Sida laga soo xiganayo Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa jira gawaari dagaal oo ay Ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen, kuwaas oo gaaraya inkabadan 5 Gaari.

Hadda waxaa magaalada si toos ah u maamulaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana daadsan dhulka meydadka ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Maraykanka sida gaarka ah ula shaqeeya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.