Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Dagaal Culus kula wareegay Buula-Guduud.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar kula kallahay Fariisin ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buula-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus islaamrkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in khasaare farabadan lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland.

Ugu yaraan 20 Askari oo katirsan ciidamada lagu weeraray Buula-Guduud ayaa lasoo sheegayaa iney dhinteen, halka ay jiraan kuwa kaloo dhaawac ah, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen Gawaari dagaal.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buula-Guduud, waxaana haatan magaalada maamulaya ciidamada Mujaahidiinta, iyadoona ciidamadii Jubbaland ee ka badbaaday rasaasta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goobta ka carareen.

Wixii Soo Kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.