Ciidamo Booliis ah Oo Lagu dilay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ee ay leeyihiin dadka Muslimiinta ee ku taalla Xeebaha dalka Kenya ayaa sheegaya in Weerar hubeysan uu magaaladaas ka dhacay, kaas oo lagu diley ciidamo katirsan Booliiska wadankaas.

Rag ku hubeysnaa Bastoolado oo watay Mootooyinka dheereeya ayaa Rasaas ku furay Askartan Booliiska ah oo ku sugnaa Kaniisad ku taalla magaalada Mombasa, waxaana ay halkaas ku dileen 2 Askari iyagoona dhaawacay tiro kale.

Labada Askari ee la dilay waxaa lagu soo waramayaa in laga qaatay Hubkii ay wateen.

Sarkaal katirsan Booliiska Mombasa oo warbaahinta la hadlay ayaa weerarkan ku eedayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo dhulka ay Kenya xooga ku heysato, wuxuuna sheegay iney wadaan baaritaanno ay ku doonayaan iney kusoo qabtaan Raga Weerarka fuliyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.