Ciidamo Katirsan Dowladda Oo Lagu Dilay Afgooye.
Dagaalyahanno aad u xirfadeysan, Tababar wanaagsanna leh ayaa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxay ku dileen Askar katirsan milliteriga dowladda Federaalka.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii Xalay waxay degmada Afgooye ku dileen 2 Askari oo katirsan Ciidamada dowladda, iyagoona dhaawacay mid saddexaad.
Ciidamada la weeraray oo ku sugnaa Suuqa lagu iibyo Maandooriyaha Qaadka ayaa iyadoo dadka oo dhami u wada jeedaan waxaa lagu shannaqay dhowr xabadood, iyadoona hubkii ay wateen laga furtey.
Askari saddexaad ayaa dhaawac garaab ah ku noqday weerarkan, waxaana la geeyey Isbitaalka Madiina magaalada Muqdisho.
Dadka arkayay markii ciidamadan la dilayay ayaa sheegay iney la yaabeen geesinimada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab , kuwaas oo dadka ka ag dhawaa goobta kula talinayay iney is dejiyaan.
Mashaa Allah