Ciidamo Katirsan Dowladda Oo Lagu Qarxiyay Ceelasha Biyaha.

Qarax culus ayaa gaari ay la socodeen ciidamo katirsan dowladda federaalka lagula beegsaday duleedka magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Gaari nooca Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda ayaa Qaraxa lagula eegtay isagoo marayay Ceelasha-Biyaha, waxaana gaariga uu kala baxay labo Jab.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey qaraxan oo soo gaaray ciidamada dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.