Ciidamo Kenyaati ah Oo lagu dilay Duleedka Dhooblay.
Wararka naga soo gaaraya degmada Dhooblay ee dhacda xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kuwaramaya in qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Kenya.
Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Dhooblay, waxaana lala eegtay Baabuur gaashaman oo ay ciidamada Kenyaatigu la socdeen.
Guud ahaan ciidamadii saarnaa Gaariga la qarxiyay ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, waxaana markaas kadib goobta soo gaaray ciidamo kale oo Kenyaati ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sii laba jibaareen weerarada iyo qaraxyada ka dhanka ah ciidamada Kenya oo sanadkii 2011 kusoo duulay gobollada koonfureed Soomaaliya qeybo kamid ah.