DEG-DEG: 3 Askari Oo Yahuuda looga dilay Magaalada Al-Qudus.

Weerar Kaligii duulnimo ah oo uu fuliyay Wiil dhalinyaro Muslim ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu ka dhacay magaalada Al-Qudus ee dhulka Filastiin ee ay Yahuudda xooga ku heystaan.

Wararka ka imaanaya Filastiin ayaa xaqiijinaya in Halyeey Naftii hure ah uu saaka weerar qorsheysan ku qaaday Askar katirsan ilaalada Xuduud beenaadka maamulka Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa deegaan ay Yahuudu dhisteen oo lagu magacaabo Haar Adaar.

Ninka weerarka fuliyay oo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa si deg deg ah wuxuu markiiba uga takhalusay 3 Askari oo isku meel taagnaa, isagoona dhaawacay mid kale, waxaana markas kadib uu ka baxsaday gobta.

Ciidamo kale o Yahuudda katirsan ayaa kadaba tagay, waxaana is rasaaseyn kooban kadib goobta ku shahiiday Mujaahidka weerarka fuliyay oo da’diisu lagu sheegay 37 sano jir.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda oo weerarkan ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay, wuxuuna amray in la dumiyo guriga uu deganaa Mujaahidka weerarka fuliyay, waana ciqaab ay Maamulka Yahuuddu kula kacaan qoysaska ay kasoo jeedaan Kaligii duuliyaasha ku sugan Filastin.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.