DEG-DEG: Weerar Nafhurnimo oo Maraykan Lagu laayay Oo ka dhacay Kaabul.

Camaliyad Nafhurnimo oo si aad ah loo maqlay ayaa goordhaweyd waxay ka dhacday bartamaha magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afqaanistaan.

Camaliyadan waxaa lala eegtay Kolonyo ciidamo Ameerikaan ah oo marayay xaafadda shanaad ee magaalada Kaabul, waxaana gaaray khasaare lixaad leh.

Inta la hubo haatan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Camliyadan 16 Askari oo Maraykan ah, halka Istish-haadiyadu ay gubtay saddex gaari oo ciidamada maraykanku wateen, Waxaana fuliyay Camaliyadan Mujaahid lagu magacaabo Dhaahaa.

War kooban oo kasoo baxay Imaarada ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda howlgalkan Istish-haadiga ah.

Dhanka kale Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Telegramka ee Imaarada Islaamiga Afqaanistaan, ciidamada Mujaahidiinta ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalo muhiim ah oo katirsan dalka Afqaanistaan, kadib dagaallo saacado xiriir ah socoday.

Magaalada Bandar Koohistaan oo ah xarunta gobolka Faaryaab ayay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen, kadib dagaal culus oo magaalada ay marti gelisay laga soo bilaabo Maqribnimadii xalay soona gaaray aroornimadii hore ee Saaka.

Raayada Towxiidka ee Imaarada Islaamiga ayaa ka babaneysa xarunta mamaulka, saldhiga Milliteriga iyo dhamaan goobaha kala duwan ee xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Bandar Koohistaan.

Ciidamadii Xukuumadda taagta daran ee Kaabul ee ku sugnaa magaalada ayaa cararay, kadib khasaare adag oo soo gaaray, waxaana Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen qalab milliteri oo kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.