DEG-DEG:Xillibaan Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay weerar culus ku qaadeen Xillibaan katirsan Baarlamaanka dowladda federaalka.

Xillibaanka la weeraray oo lagu magacaabo Xuseyn Cali ayaa rag hubeysan oo loo maleyanyo iney katirsan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay Rasaas ku fureen Gaari uu saarnaa oo marayay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 2 Askari oo katirsan Ilaaladiisa ayaa lagu dilay weerarka, halka 4 kalena lagu dhaawacay.

Raggii Weerarka fuliyay ayaana goobta isaga baxsaday, waxaana la sheegayaa in Xillibaanku ka badbaaday isku deyga lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.