Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka oo Khilaafaad xoogan uu soo kala dhexgalay.

Ruushka iyo Maraykanka waxaa soo kala dhex galay khilaafaad la xiriira dhanka Diblumaasiyadda, kadib markii dowladda Maraykanka ay la wareegtay xarumo ay leedahay dowladda Ruushka oo ku yaala dalka Maraykanka.

Ciidamo Maraykan ah oo isugu jira Sirdoon iyo Booliis ayaa la wareegay gacan ku heynta qunsuliyadda Ruushka ee ku taalla Sanfaransisko iyo xarunta ganacsiga Ruushka ee magaalada Washington.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayay ku cambaareysay tallaabada dowladda Maraykanka ay qaaday, waxaana ay codsatay in xarumahaasi dib loogu soo celiyo gacanta dowladda Ruushka, hadii kalena ay qaadi doonto tallaabooyin adag.

Tallaabooyinkaas ay qaadi doonto ayay ku sheegtay mid gebi ahaanba dumineysa xiriirka u dhexeeya labada dowladood islamarkaana halis gelin doonto aminga labada dal.

 

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.