Dr Xabeeb: “Xildhibaanada DF Waxay Qabaan Cudurada Dhimirka” (Dhageyso)

Dr. C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamaanku qabaan nooc kamid ah cudurada dhimirka (waalida).

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen xildhibaano iyo siyaasiyiin, kulankaas oo looga doodayay arrintii ay Soomaalidoo dhami ka wada xumaatay ee Qalbi dhagax.

Xabeeb oo kasoo muuqanaya TV-ga Universal ayaa la arkayay isagoo si qiiro leh xildhibaanada ugu sheegaya iney gun yihiin islamarkaana aaney awoodin iney tagaan Sanco, Heliwaa, Bakaaraha iyo meelaha lamidka ah taasoo ay sii dheer tahay iney nolol xumo ku sugan yihiin oo wax kale iska dhaafe xitaa xaasaskooda loogu geeyo hoteelada.

Wuxuu sheegay in waxa ay sheeganayaan iyo xaqiiqadu aad u kala fog yihiin, halkaasina laga dheehan karayo in xildhibaanadu qabaan nooc kamid ah cudurada dhimirka ee mental disorders psychosis.

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Dr Xabeeb

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.