Duufaanta Iirma oo Sii socota, iyo Barakac ballaaran oo ka socoda qaar kamid ah gobollada dalka Maraykanka.(Dhagayso Warbixin)
Duufaanta loogu magac daray Iirma ee dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka Maraykanka iyo badda Atlantic ayaa ku socota xawaara dheereysa, waxaana lagu soo waramayaa iney sababtay dhimashada tobanaan Ruux iyo burbur xoog leh.
Duufaantan oo timid kadib markii ay dhamaatay midii hore ee loogu magac daray Hervey ee ku dhufatay gobolka Texas ee Maraykanka ayaa la sheegayaa iney aad uga xoog badantahay midaas, waxaana machad ka faallooda arimaha musiiibooyinka uu sheegay in awooda duufaantan ay kulaba jibaarantahay awooda dhamaan sawaariikhdii iyo gantaaladii la isku adeegsaday dagaalkii labaad ee aduunka waxa loogu yeero.
Gobolka Carriben ayay duufaanadu xoogeeda ka dhaceen, waxaana ay ku wajahanyihiin gobolka Florida ee Maraykanka oo ay ku yaaleen saldhigyo milliteri oo aad u farabadan.
Halkan ka dhagayso Warbixin Duufaanta Iirma Ee ku dhufatay Maraykanka.