Faafaahin: Weerarkii Bariire Maxaa Kusoo Kordhay?

Saaka Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal safa ballaaran ah waxay ku qaadene saldhigyo ciidamada dowladda ee Maraykanku sida gaarka ah u tababaray ku lahaayeen deegaanka Bariire oo qiyaastii 60KM ka fog magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka waxaa lagu daah furay Labo Camaliyadood oo Istish-haadi ah oo ay fuliyeen Naftood hurayaal katirsan Guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada, waxaana markaas kadib xerooyinka u daatay ciidamo aad uqalabeysan oo Takbiirta ku dhawaaqaya.

Ciidamada dowladda ee la weeraray ayaa isku dayay iney iska difaacaan ciidamada Mujaahidiinta, waxaana dagaal dhacay oo in muda ah socoday uu ku badiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo gaaray.

Daryanka hubka la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay deegaannada u dhow deegaanka Bariire sida Mubaarak, Daaru-Salaam iyo degmada Awdheegle.

Khasaaraha dhimashada horudhac ah ee laga helayo dagaalkii Bariire waxay gaarayaan dhimashada inkabadan 20 Askari iyo dhaawac tiro kale, iyadoona ciidamada  Mujaahidiinta ay qaniimeysteen inkabadan 10 Gaari oo noocyada dagaalka ah.

Tvga caalamiga ee Aljazeera ayaa xaqiijiyay dhimasahda 17 Askari oo katirsan ciidamada dowladda.

You might also like
1 Comment
  1. sadam says

    mashaa Allah ayaan leeyahay mujahidiinta Alle ayaa idin lajira ee mareekanka iyo xulufadiisa waxay qadayaan ayaa iska yar oo aan dulli Ka eheen iyo daal marka kuwada dagaalka ilaa ay kabaxaan dhulka muslimiinta

Leave A Reply

Your email address will not be published.