Haweeney Katirsaneyd Xukuumadda Kenya Oo U geeriyootay Dhaawac.

Mariam Al Maawy oo ahayd Xoghayihii  Wasaaradda howlaha guud ee dowladda Kenya ayaa u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen Gaari ay la socotay Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee Laamu, ayna leeyihiin Muslimiinta.

Weerarkan oo dhacay 31-dii bishii July ee sanadkan ayaa waxaa lagu  dilay 5 Sarkaal oo katirsaneyd ciidamada Booliiska Kenya, waxaana haweeneydan ay Mujaahidiinta uga tageen meyd ahaan, iyadoo dhaawac halis ah uu xilligaas gaaray.

Waxay ka dhaawacantay Garabka iyo Lugta, iyadoona markaa kadib dhaawaceeda loo qaaday Isbitaal ku yaala dalka Koonfur Africa oo ay maanta ku geeriyootay.

Dowladda Kenya ayaa ka tacsiyeysay geerida haweeneydan ka tirsaneyd dowladda, waxaana Uhuru Kenyatta madaxweyanah kumeel gaarka ee dalka Kenya uu ku tilmaamay arin xanuun badan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo gaar ah oo ay ka fuliyeen gobollada Laamu iyo NFD waxay kudileen saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Kenya, waxaana ay sii laba jibaareen weeraradooda ka dhanka ah Ciidamada Kenya iyo dad Nasaarada ah ee lagu degaameeyey dhulalka Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.