Kudhowaad 15 Askari oo Xukuumadda Kaabul Looga dilay dalka Afqaanistaan.

Wararka naga soo gaaraya dalka Afqaanistaan ayaa xaqiijinaya dhimashada inkabadan 10 Askari oo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, kadib weerar culus oo ay kala kulmeen dagaalyahannada Imaaraada Islaamiga ee Afqaanistaan.

Dagaalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miyoond ayaa waxaa ku dhintay 14 Askari oo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.

Waxay Ciidamada Imaarada Islaamiga ah la wareegeen dhamaan hubkii yaalay labo saldhig oo ay weerareen, waxaana hubka ay gacanta ku dhigeen kamid ah gawaarida dagaalka ee ay ku rakibanyihiin hubka cul culus.

Dagaallada ka socoda dalka Afqaanistaan ayaa sii kordhaya, waxaana Mujaahidintu ay sii laba jibaareen baacsiga ay ku hayaan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul iyo ciidamada dowladda Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.