Kudhowaad 50 Askari Oo Maraykanka Dhimasho iyo Dhaawac kaga noqday Afqaanistan bishii DulXaj oo Keliya.

Tirakoob rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu soo bandhigay howlgalladii Milliteri ee Mujaahidiintu ka fuliyeen Afqaanistaan bishii aynu soo dhaafnay ee Dul Xaj.

Howlgalladan oo kala duwan waxay isku darkooda gaarayaan 548 howlgal, waxaana ay si isku mid ah u beegsadeen ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Afqaanistaan iyo malleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul.

Marka laga hadlo khasaaraha dhimasho ee gaaray Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan bishii Dulxaj oo kaliya waxay gaarayaan 32 Askari, halka ay dhaawacmeen 14 kale.

Malleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul ee ku dhintay howlgallada dhacay bishii DulXaj waxay gaarayaan 1069 Askari oo dhimasho ah, iyo dhaawaca 624 Askari.

Waxay Mujaahidiintu dhulka soo dhigeen 3 Diyaaradood oo ay ku jirto mid Drone ah, waxaana gacanta ku dhigay diyaaradaas Ciidamada Mujaahidiinta.

Gawaarida dagaal ee ay Mujaahidiintu gubeen bishii Dulxaj ayna leeyihiin Maraykanka iyo xukuumadda Kaabul waxay tiradoodu gaarayaan illaa 198 Gaari oo isugu jira noocyada kala duwan ee gawaarida ay isticmaalaan Milliteriga.

Howlgallada ka dhanka ah ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana muuqaneysa in Maraykanku ku khasaaray dagaalkan aan dhamaadka lahayn ee uu kaga jiro dalka Muslimka ah ee Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.